Addis (NogobNews) 09/02/2020
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in maanta magaalada Addis Ababa uu uga qeybgalo shir-madaxeedkii 33-aad ee Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo Maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee Caasmadda dalka Itoobiya.
hirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka bishan Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Africa sannadka 2020-ka.
Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo cururrada caalamiga ah ee ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Africa.
Comments are closed