Dagaal xalay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray degmada Jowhar

Jawhar (NogobNews) 18/02/2020

Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xalay iska horimaad xooggan uu ka dhacay Barkoontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.Koox hubeysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ku soo qaadeen Koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed, waxaana jira khasaare ka dhashay iska horimaadka labada dhinac.

Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabab ay so weerareen Koontorool laga soo galo magaalada Jowhar,hayeeshee Ciidamada Dowladda  iyo kuwa AMISOM ay iska difaaceen.

Wasiirka ayaa Qoraalkiisa u dhiggay sidan “Al-Shabaab ayaa isku dayay  iney amaanka qal qal geliyaan waxeyna Rasaas kusoo Tuur Tuureen Bar  Fariisan u ah ciidanka amaanka Hirshabelle oo banaanka Magaalada ah, taasoo laga Kontoroolo dhaqdhaqaqa dadka soo galo magaalada iyo dadka  kabaxa, kooxahii soo Rabshadeyayna Fariisimahena ciidanka Amniga ayaa ku  daba jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.” ayuu ku daabacay  bartiisa Wasiirka Amniga Hirshabelle Maxamed Kheyre.

Dhinaca Al-shabaab wali wax war ah kama aysan soo saarin iska horimaadka xalay ka dhacay degmada Jowhar oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale ay ku dagaalameen labada dhinac. 

Comments are closed