Madaxweynaha Somaliland oo aqbalay raalli galintii madaxweyne Farmaajo uu siiyay gobolada waqooyi

Hargeysa (NogobNews) 18/02/2020

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhoweeyay raalli galintii madaxweynaha Soomaaliya uu ka bixiyay dhibaatooyinkii dowladdii dhexe ka geysatay gobolada waqooyi ee Soomaaliya ee haatan loo yaqaan Somaliland.

Hadalkaan ayuu madaxweyne Muuse Biixi ka sheegay, isagoo saakay khudbad sannad leh u jeedinayay labada gole ee Somaliland, kana warbixinayay waxqabadka xukuumadiisa.

“Tan iyo burburkii kadib, Farmaajo waa ninkii ugu horeeyay inta madaxweyne Soomaaliya soo martay yiraahda, “waxaan raalli ka gallin ka bixinaynaa dhibkii ku dhacay gobolada waqooyi. Waan soo dhoweynayaa, waana aqbalay,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay raalli galintaan inuu u arko tilaabo horey loogu qaaday dhinaca nabada, iskaashiga iyo iskusoo dhowaynta labada dhinac, marka laga reebo ayuu yidhi qeyb kamid ah hadalka madaxweyne Farmaajo uu ku yidhi sidan,” kuwii hubka qaatay waa in ay cudur daar baxshaan.

Dhinaca kale madaxweyne Muuse Biixi, ayaa sheegay inaanu isqaban raaalli galinta madaxweyne Farmaajo iyo imaatinkiisa Hargeysa, isagoo sheegay in uu mar kale ka hadlidoono arrintaan

Comments are closed