Madaxweyne Deni: Puntland waxay ahaandoonta maamulka ugu horeeya ee ka faa’idaysta dayn cafinta Soomaaliya

Garoowe (NogobNews) 18/02/2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay Puntland in ay noqondoonto cida ugu horeysa ee ka faa’idaysata haddii uu hirgalo nidaamka dayn cafinta Soomaaliya.

Dhawaan, hay’adda lacagta IMF iyo bankiga adduunka  ayaa isku raacay in Soomaaliya u qalanto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo gaaraya in ka badan shan bilyan oo dollar.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay daynta cafinta kadib in caalamku mashaariic horumarineed ka fulindoono Soomaaliya, isagoo sheegay in Puntland ahaandoonto meelaha u qalmidoonta in laga fuliyo, iyadoo lagu xulanayo amniga iyo kala dambaynta ka jirta.

“Puntland waxay leedahay sifooyin badan oo aysan degaanada kale lahayn, sifooyinkaas waxaa kamid ah, amni, xasilooni iyo kala dambayn iyo meelo dihan oo la maalgalin karo, waana waxa caalamku doonayo in laga helo Soomaaliya,” ayuu yidhi madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkaan ka sheegay shirka bandhiga ganacsiga Puntland oo ka socda magaalada Bosaso.

Comments are closed