Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljameeca

Galmudug (NogobNews) 01/03/2020

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xarunta uu ka deggan yahay degmada Dhuusa-Mareeb kula kulmay hoggaamiyaha guud ee Ururka Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xassan.

Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba ka tanaasuleen sida uu hadalka u dhigay Arrimihii siyaasadda deegaannada Galmudug iyaga oo sheegay in wixii hadda ka danbeeya ay ku shaqeyn doonaan doorkoodii Culima’nimo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhankiisa soo dhaweeyay go’aanka ay qaateen hoggaanka Ahlu Sunna iyaga oo ka wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadgalyada guud ahaan deegaannada Galmudug.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay la wareegay xaruntii ay degganaayeen hoggaanka Sare ee Ahlu Sunna kaddib dagaal dhaxmaray labada dhinac. 

Comments are closed