Wararkii ugu danbeeyay xaalada degmada BeledXaawo kaddib dagaal culus oo maalintii shalay ka dhacay

Balad-xaawo (NogobNews) 03/03/2020

Waxaa deggan xaalada degmada BeledXaawo ee Gobolka Gedo kaddib dagaal culus oo maalintii shalay ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad gobolleedka Jubbaland.

Dagaalkii shalay ayaa sababay inta la ogyahay geerida ilaa 5 ruux  halka tiro ka badan 10 ruux kalana ay ku dhaawacmeen, iyadoo meelaha qaarna degmada ay ku dhaceen madaafiic leysku weydaarsaday dagaalka.

Inkastoo xaaladu saakay deggan tahay haddana dadka degmada ayaa qaba cabsi la xiriirta dagaal mar kale dhici kara madaama wali ay is hor fadhiyaan dhinacyadii iska horimaadku dhaxmaray oo meelaha qaar wali ka wada dhaqdhaaqyo ciidan.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa guulo ka sheegtay, halka dhinaca kale Jubbaland dhankeedu sheegtay in ay iska difaaceen weerar uga yimid Dowladda Soomaaliya.

Comments are closed