Shiinaha (NOGOBNEWS) 22/03/2020
Guddiga Caafimaadka Shiinaha ayaa sheegay in aan saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay laga helin dalkooda kiisas cusub oo ku saabsan COVID-19.
41 kiis oo cusub oo la diiwaan galiyay Khamiista ayaa lagu ogaadey inay dalkaas soo galiyeen rakaabka ka yimid dalka dibadiisa, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen gudiga oo sheegay in tirada kiisaska dibedda uga yimid ay kordheen 269.
Wuha, oo ahayd xuddunta cudurka ayaa u muuqata in laga sifeeyay cudurka, kadib markii gobolkaas lagusoo rogay karantiilkii ugu weynaa uguna ugu caansanaa taariikhda, iyadoo la xiray Warshadihii, la joojiyay Gaadiidka Dadweynaha dadkuna ay gudaha guryahooda ku nagaayeen tan iyo 23-dii bishii January ee sanadkaan.
Toddobo bukaan ah ayaa u dhintey tan iyo Jimcihii gudaha dalkaa. Tirada guud ee dhimashada China waa ilaa 3,255
Comments are closed