Addisababa (NogobNews) 05/04/2020
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Itoobiya waxaa geeriyooday qofkii u horeeyay ee qaba cudurka Covid 19, qofka geeriyooday ayaa ahaa haweeney 60 jir ah.
Dalka Itoobiya ayaa maalinba maalinka xigta isa soo taraysay tirada dadka uu soo rito cudurkan Covid 19, iyadoo halka kaliya ee hadda dadka lagu ogaado inay qabaan xanuunkan ay tahay magaalada Addis Ababa.
Degaanada kale ee dalka ayaa iyagu wada dadaallo lagaga hortagayo cudurkan inuu faafo, iyadoo wacyi galintu ay si joogta ah uga socoto guud ahaan dalka Itoobiya.
Qalabka lagu ogaado cudurkan Covid 19 ayaa la filayaa in qaybo kamid ah degaannada dalka ay dhawaan shaqadooda bilaabi doonaan.
Tirada u dambaysay ee dadka qaba cudurka Covid 19 gudaha Itoobiya ayaa ah 43 qof oo mid kamid ahi uu maanta geeriyooday.
Comments are closed