Kenya (NogobNews) 05/04/2020
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xayiraad kusoo rogtay Qaadka Miirowga, kadib markii ay shaacisay in uu qeyb ka qaadan karo fiditaanka cudurka Coronavirus (Covid 19).
Xayiraadaan waxay keentay in uu hakad ku yimaada Qaadkii loo iibgayn jiray gobolada Kenya, iyadoo ciidamada Kenya gubeen dhowr tan oo Qaad ah oo lagu raray gawaari xamuul lana doonayay in si qarsoodi ah loo safriyo.
Ururka Ganacsatada Miraa ayaa cambaareeyay tilaabada lagu xayiray Qaadka, iyagoo sheegay dowladda inaysan ka helin wax ogeysiin oo ku saabsan in la joojiyay Qaadka.
126 qof ayaa dalka Kenya laga helay cudurka Coronavirus. Labo qofna waa u dhimatay. Madaxweynaha Kenya ayaa xabsiyada kasii daayay ku dhawaad 4,000 maxaabiis ah oo qayb ka ah dadaallada looga hortagayo faafitaanka COVID-19.
Comments are closed