Xubnaha Oromada PP oo Guusha Raacday Addis lagu kala adkaa!

Addisababa (NogobNews) 11/04/2020

Waxaa magaalada Addisababa ka furmay shirka gudiga Fulinta Xisbi talada haya ee PP waxaana ka qeybgalay dhamaan xubnaha Somalida ee ku jira PP.

Madaxweyne Mustafe ayaa ka codsaday xubnaha Gudiga Fulinta PP in Abdi caadil Xubinimada PP Laga xayuubiyo kadib eedeemo badan u soo jeediyay xubnaha ka soo jeeda qowmiyada Amxaarada ayaa taageeray Codsiga Madaxweyne Mustafe

Madaxweyne kuxigeenka deegaanka Somalida Aadan farax ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeemaha uu soo dhigay Madaxweyne Mustafe Aadan faarax ayaa wuxuu taageero xoogan ka helay xubnaha qowmiyada Oromada halkaasi uu Aqlabiyad ku raacday Aadan faarax waxaa dhicisoowbay eedeemihii Abdi caadil

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa wuxuu u soo bandhigay 4-xubood Somalia ah Xisbiga PP Gudiga Fulinta lagu darayo Aadan Farax iyo Mustafe oo ku loolamaya siyaasadda ayaa isku qabsaday waxaana lagu xaliyay

2-xubnood in Madaxweyne Mustafe uu soo magacaabo mid ka mid ah wuxuu noqday Hogaanka Cusub ee Nabadgalyada DDS 2-da Xubnood ee kale ayaa waxaa soo magacaabaya Madaxweyne kuxigeenka DDS Aadan faarax

Wixii ka soo kordha shirka ka socda Addisababa ee Xisbiga PP wararka dambe ayaad ku maqli doontaan NogobNews

Comments are closed