Muqdisho (NogobNews) 30/04/2020
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu ka qeyb-galay wada-hadal xagga Internet-ka ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dib u kabashada hannaanka dowladnimo iyo dadaalka loogu jiro sidii mar kale Soomaaliya ay cagaheeda ugu istaagi laheyd.
Wada-hadalka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin matalayay Midowga Afrika, midowga Yurub, Mareykanka, Ingiriis-ka, IGAD, iyo Qaramada midoobe, waxayna ku amaaneen Soomaaliya ambaqaadka geeddi socodka dowladnimo ee taaba-galaya.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulankaan oo uu meeqaamkiisu sarreeyay waxa uu beesha caalamka u sheegay in hoggaanka iyo shicibka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gaareen guulo waaweyn oo dhinaca dowladnimada ah.
Dhammaan kasoo qeyb-galayaashii kulanka ayaa midba geestiisa waxa uu ballan-qaaday iney sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Comments are closed