Dagaaka Salaxaad & Raaso Wali Socda 40-Ruux Dhimasho (Warbixin)

Salaxaad (NOGOB NEWS) 03/05/2020

Wararka naga soo gaaraya degmada Salaxaad ee Gobolka Erer ayaa sheegaya in uu halkaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed. Dagaalka oo la sheegay in uu salka ku hayo dhul daaqsimeed ayaa sababay dhimashada 40-qof waxaana goobaha caafimaadka la dhigay dad ku dhaawacmay dagaalka Goob joogayaal ku sugan degmada Salaxaad ayaa inoo sheegay in dagaalka maanta dhacay kadib markii maleeshiyaad degmada raaso ka mid ah dhinacyada iska soo horjeeda weerer aan kala joogsi laheyn ay soo qaadeen ay maanta iska caabiyeen

Ma’aha markii ugu horeysay ee sidan oo kale maleeshiyaada ugu dagaalamaan degmada, salaxaad iyo Raaso, hogaanka nabadgalyada deegaanka somalida Mudane Xuseen Xaashi Qaasim ayaa bartiisa Facbookga soo dhigay qoraal

Waxaan labadan maalmood ku mashquulsanahay sidii loo xakamayn lahaa colaada ka jirta meelo u dhaxeeya dagmooyinka Salaxaad iyo Raaso. Inkastoo aan si buuxda loosoo afjarin isku dhacyada waxaan samaynay siina wadaynaa dadaalka lagu baajinayo in uu daato dhiiga shacabkeena. Marka laga tago guddiga heer xukuumad iyo maamulada gobalada iyo dagmooyinka oo hawshan wada, waxay xukuumadu culays saartay in ciidan loo diro goobaha ay dhibaatadu ka jirto si ay u kala dhexgalaan shacabka walalaaha ah una sugaan amniga . Maanta ayaan si faahfaahsan uga warbixin doonaa sida ay wax u jiraan, talaabooyinka aan qaadnay, waxyaabaha noo qabsoomay iyo culaysyada aan la kulanay laakiin hada nuxurka fariintaydu waxaa weeye haloo hogaansamo ciidanka gaar ah oo ah hanti umadeed waajibna uu ka saaranyahay sugidda amniga.

Comments are closed