Roobashii Gu’ga ayaa degmooyin badan bilaa anteeno kadhigay.

Jigjiga (NOGOBNEWS) 06/05/2020

Xogta aan kahelayno dad meelo kaladuduwan jooga ayaa tilmaamaysa inay roobashii gu’ga awgood anteenadii (network) katagtay degmooyinka: Sagag, Gabo, Dhuxun ee gobolka NOGOB iyo degmooyinka gobolka Liibaan sida: Fultu, Dolo cado, Dhakasufti iyo Boqlamaayo.


Waxaana suurto gal ah inay jiraan degmooyin kale oo lamida laakiin aanaan wali xog kahelin.

Sidaas darteed, xafiisyada ay arintani khusayso haka hawlgasho sidii bulshada loogu hagaajin lahaa khadka isgaadhsiinta maadaama xili adag lagu jiro.

Yaan la iloobin kahortaga cudurka Koroona fayraska. By Shafici Dahir

Comments are closed