IIMAY GALBEED Hesshiis hordhac ah lagu gaadhay (warbixin)

IIMAY (NOGOB NEWS) 09/05/2020

Waxaa maanta kulan ku yeeshay degmada Iimey Galbeed wafdigii heer deegaan ee hor kacayay Wasiir ku xigeenka Xafiiska Madaxweynaha oo maanta gaaray degmada iyo odayaasha dhaqanka Degmada Emey Galbeed ee Gobalka Afdheer

Kulankan ayaa looga hadlayay sidii nabad loo dhax dhigi lahaa laba beelood oo walaalo ah oo ku dagaalamay Deegaano hoosta taga degmada Iimey waxaana kaloo kulanka goob joog ka ahaa wakiilo ka socda dhinacyada xiisada colaadeed u dhaxaysay.

Shirkaa ayaa lagu gaaray heshiis hordhac ah waxana odayaashii labada dhinac ka socday kala gudoomeen agaskii iyo karfantii ama duugta iyo aaskii qofba sida u yaqaan maadama labada dhinac iska dileen dad gaaraya ilaa shan ruux.

Ugaas Naxamed Ugaas Faatule oo ka tirsan gudigii waanwaanta ka dhax waday labada beelood ayaa sheegay in heshiiskaa la gaadhay uu yahay mid hordhac ah inta dhimana dib ka dhamayn doonaan.

NOGOB NEWS

Comments are closed