Madaxweyne Mustafe Kulan layeeshay Wasiiro heer Federaal (Warbixin)

Jigjiga (NOGOB NEWS) 09/05/2020

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa kulan la yeeshay wafti ka yimid heer federal oo ay hogaaminayeen Wasiiru Dawlaha Wasaarada Nabada Marwo Firi Alam Shabaabaw iyo Wasiiru Dawlaha Caafimaadka JDFI Marwo Saxarla Cabdulaahi iyo hawl wadeeno kale.

Kulan kan oo ay wada yeesheen gudiga ka hortaga karona fayraska Degaanka Soomaalida iyo waftiga ka socdey heer federal uuna gudoominayay Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida ayaa la isku xog waydaarsadey xaalada cudurka COVID19 ee Degaanka Soomaalida.

Kulanka waxaa la iskula gorfeeyay goobaha xuduudaha iyo dadka ku jira goobaha karantiilka sidii wada jir looga wada shaqayn lahaa maadama dadka ku jira goobaha karantiilku ay yihiin muwaadiniin Itoobiyaana oo ka sooj eeda qowmiyadaha kale.

Waxaa kaloo laga munaaqashooday wxii taageera ah ee degaanka Soomaalida u baahan yahayna wax looga qaban lahaa.

Kulan kan ayaa qayb ka ah kulamada lagu sii xoojinayo hawlaha ka hortaga cudurka COVID19

Maxamed madaale NOGOB NEWS

nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed