Qurbajoogta Gobolka NOGOB oo magaalada Sagag Gaarsiyay rashiin afurin ah

Sagag (NOGOB NEWS) 10/05/2020

Qaar kamida Qurbajoogta kasoojeeda gobolka Nogob gaar ahaan magaalada SAGAG ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyay danyarta magaalada Sagag.

Qurbajoogtan ayaa raashinka noocyadiisa kaladuwan uqaybiyay 360 qoys oo kamida dadka hayntoodu hoosayso ee kunool magaalada SAGAG ee gobolka NOGOB.

Waxaa runtii wax aad loogu farxo ah is xilqaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku kala nool 93 da degmo, 6da maamul magaalo iyo kuwa qurbaha ee bulshada danyarta ah ee kunool degmadooda uqaybinaya Raashin ay kusoomaan.

Degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDS ayaa intooda badan dhalinyaro is abaabushay oo kaashanaya ganacsatada iyo bulshada qaybeheeda kaladuduwan raashin uqaybiyay qoysas danlay ah, waxaana ugu dameeyay kuwa degmooyinka; Sagag, Garbo, Xayxoob, Waangey, Xamro, Ceel-ogaadeen, Fiiq, MM Qabribayax, Araarso, Awaare, Daroor, MM Dhagaxbuur, MM Qabridahar, MM Togwajaale, MM Jigjiga, MM Goday, Wardheer, IWM. Waa inta aan arkay uun, laakiin degmooyinka untooda badani sidan si lamiday sameeyeen.

Dhamaan dhaliyarada DDS ee wanaagaas u istaagtay, waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu Aakharadooda iyo aduunkoodaba wanaajiyo.

shafici daahir

nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed