35,000 Qof ayaan Shaqaaleysiinay (WARBIXIN)

Jigjiga (NOGOB NEWS) 17/05/2020

Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha ee DDS ayaa sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay ay xukuumadu in ka badan 35,000 oo shaqaale ah ka kala shaqaalaysiisay laamaha kala duwan ee xafiisyada dawlada.

Wasiirka Mudane C Qaadir Rashiid waxaa uu sheegay in isla xiligan ay wax barasho u direen in ka badan 711 qof oo soo kala baranaya takhasusuyo kala duwan oo degaankeena baahi badannu qabaan.

Wasiirku waxaa uu sheegay in dadkaa waxbarashada loo diray ay isugu jiraan dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Shaqaalayntan mugga wayn ayaa noqonaysa hanaankii shaqaalaysiin ee abid ugu badnaa taasoo saddex laab ka badan tiradii shaqaale ee la hawl galiyay 10kii sanno ee la soo dhaaafay.

NOGOB NEWS

Comments are closed