KISMAAYO (NOGOB NEWS) 17/05/2020
Axmed Maxamed Islaam oo ku magac dheer Axmed-Madoobe wuxu muddo ahaa shakhisyaadka ugu cadcad siyasaadda gobollada Jubbooyinka oo magaalada ugu weyne ee Kismaayo dekeddeeda dhaqaale badani ka soo baxo. Wuxuu ahaa xubin ka tirsan Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahaa waxaanu madax ka ahaa isla magaaladaa Kismaayo ilaa intii ay ciidamada Itoobiya ridayeen maamulkii maxkamadaha sannadii 2006.
2006-dii ilaa waqtigan xaadirka ah ayaa waxaa aad u la shaqeeyay labada mas’uuliyiin oo kala ah Lataliyaha Madaxwaynaha Jubbaland dhanka amniga General Cabdi Mahdi iyo Ugaas ali Ugaas Hussein nuur (Ugaas cali Dhere ) waxaana dhaxmaray khilaaf xoogan
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay wehlinayaan odayaasha dhaqanka jubbaland ayaa maanta kulan la yeehsay General Abdi Mahdi iyo Ugaas Cali Dheere waxaana la soo afjaray ama la dhammeeyay waxyaabihii la isku khilaafsanaa.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa odayaasha u sheegay in Cabdi Madhi iyo Ugaas Cali Dheere ay yihiin labadeeda garbood la’aantooda aan maanta heerkan aan soo gaareen kulankaasi ayaa maanta ku dhamaaday is afgarad iyo farxad iyo guul
Maxmed madaale nogobnews@hotmail.com
NOGOB NEWS
Comments are closed