Waxaa la afjaray Khilaafkii Axmed-Madoobe & General C/Mahdi & Ugaas Cali dheer

KISMAAYO (NOGOB NEWS) 17/05/2020

Axmed Maxamed Islaam oo ku magac dheer Axmed-Madoobe wuxu muddo ahaa shakhisyaadka ugu cadcad siyasaadda gobollada Jubbooyinka oo magaalada ugu weyne ee Kismaayo dekeddeeda dhaqaale badani ka soo baxo. Wuxuu ahaa xubin ka tirsan Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahaa waxaanu madax ka ahaa isla magaaladaa Kismaayo ilaa intii ay ciidamada Itoobiya ridayeen maamulkii maxkamadaha sannadii 2006.

  • 2006: Gudoomiyaha Jubbada Hoose – Maamulkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah.
  • 2009: Xubin sare oo ka tirsan ururkii Xisbul Islaam
  • 2010: Taliyaha ciidamada Xisbul Islaam ee gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubadda Hoose.
  • May 2010: Wuu ka baxay ururkaa oo wuxu noqday markii dambe ka mid noqday hogaanka ururkii Raas Kaambooni.
  • 2013 – August 2019 Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.
  • 22 August 2019 waxa mar kale loo doortay madaxwenaha maamul goboleedka Jubbaland.

2006-dii ilaa waqtigan xaadirka ah ayaa waxaa aad u la shaqeeyay labada mas’uuliyiin oo kala ah Lataliyaha Madaxwaynaha Jubbaland dhanka amniga General Cabdi Mahdi  iyo Ugaas ali Ugaas Hussein nuur (Ugaas cali Dhere ) waxaana dhaxmaray khilaaf xoogan

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay wehlinayaan odayaasha dhaqanka jubbaland ayaa maanta kulan la yeehsay General Abdi Mahdi iyo Ugaas Cali Dheere waxaana la soo afjaray ama la dhammeeyay waxyaabihii la isku khilaafsanaa.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa odayaasha u sheegay in Cabdi Madhi iyo Ugaas Cali Dheere ay yihiin labadeeda garbood la’aantooda aan maanta heerkan aan soo gaareen kulankaasi ayaa maanta ku dhamaaday is afgarad iyo farxad iyo guul

Maxmed madaale nogobnews@hotmail.com

NOGOB NEWS

Comments are closed