“Xildhibaanadan waxay mooshin ka keeneen Mustaf sidaas darteed ayaa xasaanadda looga qaaday”

Jigjiga (NOGOB NEWS) 22/05/2020

Muran ka dhashay kal-fadhi uu baarlamaanka deegaanka Soomaalida ee Itoobiya shalay ku yeeshay magaalada Jigjiga ayaa horseeday in 12 mudane laga xayuubiyo xasaanaddii xildhibaannimo walow iyagu ay diiddan yihiin sharcinnimada go’aankaasi.

Khilaafka ayaa bilowday markii la isku maandhaafay ajandayaasha kal-fadhiga, iyadoo xildhibaannada qaar ay doonayeen in xukuumadda lagula xisaabtamo

Waxaana magaalada Jigjiga wali ka socda kal-fadhigii 10aad ee baarlamaanka deegaanka waxeyna maanta ansixiyay 4-xubnood uu Madaxweyne Mustafe u magacaabay

1 Hogaaanka nabadgalyada DDS Dr Xuseen Xaashi Qaasim

2 Wasiirka Warfaafinta DDS Ali Badal

3 Wasiirka Shaqaalaha Abdiqaadir Rashiid Duaale

4 Wasiirka Macdanta Abdi Maxamed

maxamed madaale jigjiga nogobnews

nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed