Shiniile Kulan ay yeesheen Gudiga ka hortaga Caabuqa Covid-19

Shiniile (NOGOB NEWS) 27/05/2020

Guddiga ka Hortaga Caabuqa corona virus ee Gobolka Sitii ayaa yeeshay kulan lagu dardargalinayey sidii looga hortagi lahaa COVID 19.

Kulankaasi oo ka qabsoomay madasha shirarka Dagmada Shiniile ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulada kala ah Gudomiyaha Maamulka Gobolka Siti Mudane Cumar Cabdi Maydhane, Madaxa Xarunta Xisbiga Barwaaqada ee laanta Gobolka Siti iyo qaar ka mid ah hogaaminta dagmooyinka gobolka Siti.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlay sidii diyaar garaw iyo ka hortag looga samayn lahaa caabuqa COVID 19.

Mudane Maxamed Maxamuud Madaxa Xarunta Xisbiga Barwaqada Laanta Gobolka Siti ayaa hogaaminta dagmooyinka ee ka soo qayb gashay ku booriyey in ay bulshada ka wacyi galiyaan sidii taxadar iyo foojognaan looga samayn lahaa safmarka COVID19.

Maamulada dagmooyinkuna ayaa iayagana dhankooda ka balan qaaday in ay sii xoojin doonaan dadaalka loogu jiro ka hortaga COVID19.

Mohamed madaale nnogob news jigjiga email nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed