General Odawaa oo beeniyay in ciidamada xoogga dalka ka dambeeyeen howlwadeenadii caafimaad ee lagu laayay Golalay

Golalay (NOGOBNEWS) 31/05/2020

Taliyaha ciiddanka xoogga Somaaliya General Odawaa Yuusuf Raage ayaa beeniyay inay ciidamada xoogga dalka ka dambeeyeen falkii lagu laayay 8 dhalinyaro ah oo howlwadeeno caafimaad ah oo ka howlgalayay tuulada Golaley ee gobolka Shabelle Dhexe.

Taliyaha ciiddanka xooga oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay falkaasi inay ka dambeeyaan kooxda Alshabaab, isaga oo tilmaamay ciidamada dowladda in aysan marnaba ka suurtoobin inay dhibaato intaas le’eg ugeystaan shacabkooda.

Gen. Odawaa ayaa tacsi udiray qoyska iyo ehelada marxuumiinta, wuxuuna sheegay inay sharciga horkeeni doonaan kuwii ka dambeeyay falkaan, isagoo sheegay inay haatan hayaan xog hordhac ah oo tilmaamaya cida falkaas ka dambeysay.

Taliyuhu wuxuu wax laga xumaado in dad masuuliyiin ah oo katirsan siyaasiyiinta mucaaradka ay si indho la’aan ah dowladda ugu dhaleecaynayaan falkaas, waxaana uu sheegay in aysan wanaagsanayn in mucaaradnimo laga raadiyo waxyaabahaan oo kale.

Comments are closed