Dibad baxyo lagu dalbanayo in lasii daayo duuliyaha xeran ee Jabuuti oo ka dhacay Cali Sabiix

Jabuuti (Nogob News) 05/06/2020

Dad badan oo dibad-baxayaal ah ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Cali Sabiix ee Jamhuuriyadda Jabuuti, waxayna aad ugasoo horjeedeen hannaanka dowladda ay ula dhaqantahay duuliyaha maxbuuska Farxaan Yuusuf Cali  oo ka tirsan ciidamada difaaca cirka, ahna sargaal laba xidigle ah.

Dibad-baxayaasha oo u badnaa dhalinyaro,  haween iyo carruur ayaa dalbanayay in duuliyahaasi loo soo celiyo xorriyaddiisa.

Wararka warbaahinta ay ka heleyso Gobolka Cali Sabiix ayaa waxay sheegayaan in dibad-baxayaashu ay waddooyinka ku gubeen taayirro,  laakiin markii dembe ciidamada ayaa soo fara-geliyay.

Duuliye Farxaan ayaa soo duubay muuqaal isagoo ku xiran qol yar oo uu ku sheegay suuli,  waxa uu sidoo kale dadka uu usoo bandhigay jirkiisa,  gaar ahaan lugaha oo nabro badan ka muuqdaan,  wuxuuna ku sheegay in ay yihiin tacaddi xooggan loo geystay.

Dowladda Jabuuti weli si cad ugama jawaabin dhibaatada uu maxbuuskaasi ka cawday,  laakiin wasiirka arrimaha gudaha oo hadlay ayaa digniin u diray shacabka dibad-baxaya oo qaarkood wararku ay sheegayaan in jeelka la dhigay.

Mucaaradka Jabuuti ayaa dowladda ku eedeeyay dhowr jeer oo hore xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha,  laakiin dowladda ayaa dhammaan eedahaasi diidday.

mohamed madaale jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed