Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka oo ku shiraya magaalada Muqdisho

Muqdisho (NOGOB NEWS) 09/06/2020

Waxaa maanta uu kulan uga soconayaa xarunta Villa Hargeysa gudiga joogtada ah ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya, waxayna diyaarinayaan ajedayaasha looga hadli doono kalfadhigii 7-aad ee Golaha shacabka oo 6-dii bishaan uu furay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Waxaa lagu wadaa in si wanaagsan ay uga baaraan degaan arrimahaas, iyadoo 27-da –bishaan Jun lagu wado in baarlamanka ay hortagaan Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya .

Kalfadhigan dhowaan furmay ee 7-aad ayaa waxa uu yahay kii ugu dembeeyay ee xildhibaannada ay shaqeeyaan , iyadoo muddo xileedkooda iminka uu gabagabo kusii socdo.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorashooyinkii Baarlamanka iyo tan madaxweynaha, walow madaxweyne Farmaajo iyo gudigga doorashadaba ay ku adkeysanayaan in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Comments are closed