Muqdisho (NOGOB NEWS) 09/06/2020
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo wareysi gaar ah oo soconayay muddo 25 daqiiqo ah siiyay Telefashinka Al-Araby ayaa waxa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan siyaasadda khaarajiga ah ee waddanka, waxaana wax laga weydiiyay dowrka muuqda oo uu dalka ku leedahay arrimaha Gobolka, mandiqadda Carabta, qaaradda Afrika iyo Caalamkaba .
Wasiirka oo u muuqday mid si weyn u taxa-daraya ayaa su’aalahaasi uga jawaabay, si furan, isagoo si gaar ah u dul istaagay meelo ay kamid ahaayeen arrinta Shirkadda Dekadaha Imaaraadka ee DP World , Xiriirka Qatar iyo Soomaaliya iyo saameyta siyaasadeed ee dalka uu ku yeeshay mowqifkii dhex-dhexaadnimada ahaa ee laga qaatay khilaafka dowladaha Khaliijka soo kala dhex-galay.
Wasiir Cawad ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dowr muuqda iminka ka qaadaneyso dhammaan Ururrada ay qeybta ka tahay islamarkaana ay ka muuqato, isagoo dhinaca mindaqadda geeska bari ee Afrikana tilmaamay in ay ka ciyaarayaan dowr xasillooni iyo nabad ku saleysan.
Mowqifkii dhex-dhexaadnimada Khilaafka Qatar iyo dowladaha Khaliijka qaar ayaa waxa uu tilmaamay in culeys adag ay kala kulantay Soomaaliya, balse ugu dembeyn ay dhammaan arrimahaasi maareysay.
Weriye Shaafici Abtidoon oo wareysigan qaadayay ayaa waxa uu weydiiyay Wasiir Axmed Ciise Cawad “bal inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo xiriirka Qatar kala dhexeeyo Soomaaliya?”, hase-ahaatee Wasiir Cawad ayaa si wanaagsan ugu ammaanay Qatar kaalinta garab istaagga ah oo ay sii yeen iyo xiriirka suubban ee kala dhexeeya Soomaaliya.
“Runtii Soomaaliya waxay ka kabaneysa dhibaato daba-dheeraatay, waxaan aad ugu mahad-celineynaa dowlad iyo shacabba walaalaheenna Qatar kaalinta togan oo ay ka qaateen xalka Soomaaliya iyo garab istaagga ay innoo muujiyeen” ayuu wasiir cawad ku sheegay Wareysigii uu siiyay Telefashinka Al-Araby .
Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu ku jawaabay inuu jiro hoos u dhac xiriirka ah iyo is-fahmi waa’ , isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay ku dadaashay adkeynta xiriir ku dhisan walaalnimo iyo ixtiraam ka yimaada labada dhinac, sidaasi darteed mid la mid ahna ka rajeynayeen dhanka kale , laakiin si loo dhammeeyo khilaafka Khaliijka, loona midooyo dalalkaas, loogana shaqeeyo xiriirkooda oo wanaagsanaada, dowaan Ayaan rajeyneynaa ayuu yiri iney iska soo dhammaadaan.
Sidoo kale Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa la weydiiyay halka ay ku dembeysay qaddiyaddii Shirkadda dekadaha Dubai oo is-fahmi waaga labada dal sabab u aheyd, waxa uuna ku jawaabay “Shirkaddaasi waxay sameysay wax aan wanaagsaneyn, waxayna ku xad-gudubtay midnimada dhulkeenna, welina kama aaney waantoobin fara-gelinteeda in ay sii socdaan, waxaana u maleyneynaa in ay tahay shirkad gaar loo leeyahay, sidii horayba la innoogu sheegay, waxaana rajeyneynaa in dowladda Imaaraadka ay soo fara-geliso oo ay ka joojiso hab-dhaqankaas aan qurxooneyn ee shirkaddaas” .
Wasiir Axmed Ciise waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay rajeyneyso haddii Imaaraadka ay sidaasi sameeyaan in xiriirkii uu kusoo noqon karo sidii hore.
“ Innagu Soomaaliya waan sabarnay, laakiin dulqaadku xad ayuu leeyahay, sida dowladaha kalana waxaan diyaar u nahay in aan difaacno midnimada dhulkeenna “ ayuu Wareysigiisa ku yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya .
Ugu dembeyn wuxuu ka hadlay Gobolka Geeska Afrika isagoo sheegay in lagama maarmaan ay tahay in lagu wada jiro nabad iyo xasillooni, sidoo kalena lagu heshiiyay fur-furnaashiyo iyo in Caalamka weji wanaagsan lagula tacaamulo.
Telefashinka Al-araby ayaa waxa uu saldhiggiisa weyn ku yaallaa dalka Ingiriis, waxaana hadda maamulo Weriye horay uga tirsanaa Telefashinka Aljazeera ee ku yaalla Doha , waxayna TV-gaan dadka falanqeeya siyaasadda Carabta ay ku sheegaan mid la aragti ah dowladda Qatar, walow maamulaha xaruntaan warbaahineed Abbas Nasser uu kasoo jeedo dalka Lubnaan.
Comments are closed