Dowladda Soomaaliya oo aqoonsatay Madaxweynenimada Axmed Madoobe

Kismaayo (Nogob News) 14/06/2020

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) u aqoonsatay madaxweynaha maamulka kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Warmurtiyeed ay Dowladda Federaalka Soomaaliya maanta ka soo saartay moqfifkeeda ku aaddan Doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayey ku sheegtay iney lagama maarmaan noqotay in la soo afjaro khilaafki soo jiitamay ee u dhaxeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ee ku aadanaa doorashada Jubbaland ka dhacday.

War murtiyeedka waxaa kale oo lagu sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya iney go’aankan u gaartay iyada oo ka duuleyso qaraarki ka soo baxay Golaha Wasiirrada Xukumadda Fedraalka ay ku ansixiyeen go’aanki wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta kaasoo ay ku caddeysay ineysan aqoonsaneyn natiijada ka soo baxday Doorashooyinkii ka dhacay Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Isla-markaana ay wasaaraddu ku sheegtay iney doorashadu hareer marsaneyd habraacyadi saxda ahaa ee ay dajisay Wasaaradda kana hor imanayey Dastuurka Jubbaland iyo Dastuurka Federaalka.

DFS iyada oo tixgelisay mawqifkii caddaa ee Beesha Caalamka ee ku aaddanaa in ay lagama maarmaan tahay in ay dhacdo doorasho la isku raacsanyahay, la isku halleyn karo, haysata taageerada dadka Jubalanad oo dhan, horseedi karta midnimada bulshada Jubaland, laguna duray sax ahaanshaha doorashadii dhacday.

Waxayna dowladda war murtiyeedka ay ka soo saartay mowqifkeeda ku aaddan dooorashada Jubbaland ku sheegtay iney ku tixgelineyso mowqifka cad ee ay beesha caalamka iska taageen ee ah iney dhacdo doorasho la isku raacsan yahay, la isku halleyn karo, haysata taageero shacabka jubbaland oo dhan, doorashadaasi oo horseedi karta midnimada bulshada Jubbaland.

Waxayna DFS ay sheegtay iney ka xun tahay faragelinta qaawan ee ay dowladda Kenya ku hayso arrimaha doorashooyinka Jubbaland ee ay ku dooneyso iney cadaadis siyaasadeed uga dhigto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Madaxweynaha KMG ee Jubaland Axmed MAdoobe ay ugu baaqday inuu fidiyo gogol ay isugu yimaaddaan dhammaan dadkii ku kala irdhoobay khilaafka ka dhashay doorashadii Jubaland si dib loogu yagleelo Jubaland mideysan, ayna ka dhacdo doorasho waafaqsan Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka.

War Murtiyeedka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo saartay doorashooyinka Jubbaland

WAR MURTIYEED

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ku casuumay iney ka soo qaybgalaan shirka golaha amniga qaranka ee dhawaan qabsoomayo.

Wuxuuna Madaxweynaha casuumaaddiisa ku sheegay shirka inuu mhiim u yahay masiirka siyaasadeed ee Soomaaliya loogana tashan doono arrima la xidhiidha amniga dalka iyo Doorashooyinka dalka ku soo fool leh.

WAR MURTIYEED

Suurtagal ma tahay doorasho qof iyo cod ah?

Madaxweynaha waxaa doortay xubnaha baarlamaanka ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka
Image captionMadaxweynaha waxaa doortay xubnaha baarlamaanka ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka

Inkastoo ay xildhibinada golaha shacabka ay ansixiyeen sharciga doorashada ee dalka guddiga suurtagal ma tahay in doorahso qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya?

Xasan Sheikh Cali oo wax ka dhiga mid ka mid jaamacadaha Muqdisho, kana mid ah dadka darsa siyasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in doorasho qof iyo cod ah ay ka horeeyaan in marka hore waxyaaba badan la qabto.

“Hadii xaalka Soomaaliya sii ahaado sida u hadda uu yahay ilaa iyo Bisha Juun 2020, markaas suurta-gal ma ahan in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod, sababta oo ah gebi-ahaanba waxaan jirin qof talada Soomaaliya gacanta ku haaya oo doorasho qabta, sidaas oo kale ma jiro degaan nabad ah oo aay suurta-gal- tahay in dadka Soomaaliyeed si nabad ah codkooda ugu dhiibtaan,”ayuu yiri Xassan Cali oo xirirka caalamiga ka dhiga jaamacadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan- yahay in la yara qurxiyo qaabkii ama habkii doorasho ee dadbanaa ee la isticmaalay doorashadii kol hore ee 2016/2017.

“Saamileeyda siyaasadda Soomaaliya oo aan heshiis ku ahayn qaabka doorashada (Dowlada Dhexe, Maamul Goboleedyada, Xisbiyada siyaasadda, dadka Soomaaliyeed ee daneeya siyaasada iyo beesha caalamku), way adag tahay, waaa in aay ku midoobaan hal-aragti, hadii la waayo, aragti-midaysan suurta-gal ma ahan in aay Dalkaan doorasho ka dhacdo”, ayuu raaciyay.

Inkastoo guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Soomaaliya uu sheegay in uu u diyaar garoobay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, dadka qaarna ay su’aal gelinayaan arrintaas iyo xalaalnimada ayaa hadana waxaana la ogeyn sida arrintaas ay isugu waafaqi doonaan dhinacyada siyaasadda oo ku kala boodsan arrima badan oo ay ka mid tahay qaabka Dowladda ay ula dhaqanto maamul goboleedyada iyo siyaasadda haatan ay Dowladda ku maamusho dalka.

xigasho bbc mahamed madaale nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed