Mooyaale Mas’uuliyiin Somalida iyo Oromada kulan yeeshay (warbixin)

Mooyaale (Nogob News) 14/06/2020

Kulanka wada tashiga ah ee dhaxmaray masuuliyiinta labada deegaan ee Soomaalida iyoOromada ayaa Waxaa Hogaaminayay Labada Hogaan Kuxigeen Ee labada deegaan,Waxaana Kalaso Qayb Galay Maamulada Labada Deegaan Iyo Sidoo Kale Haayadaha Nabad Galyada Ee Faralka Iyo Kuwa Deegaanada.

Dulucda Shirkan ayaa ahayd Sidii Looga Hortagi Lahaa Islamarkaasina Layskaga Kaashan Lahaa Saf_ Marka Ah Ee Covid19 Maadaama Ay Lagama marmaan tahay In Hal meel Looga soo Wada jeesto, qaabka Looga Gashaanto Cudurka Halista Badan Ee Guud ahanba Caalamka saameeyay.


Masuuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay inay muhiim tahay wada shaqayn toos ah oo labada deegaan dhax marta maadaama ay wadaan soohdin dheer, shacabkana uu ka dhexeeyo xidhiidh ganacsi oo aan isku gudubka ka maarmeyn.

Mohamed madaale jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed