Waa maxay mowqifka Muuse Biixi uu la tegay shirka Jabuuti?

Jabuuti (Nogob News) 14/06/2020

Faafaahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxaysaa kulankii furitaanka ee shirkii maanta madaxda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ku dhexmaray magaalada Jabuuti.

Waxaa halkaasi khudbado ka jeediyay madaxda loo garqaadayo ee dhinaca Soomaaliya uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaayo iyo dhinaca uu horkacayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxaweynaha Somaliland oo madasha ka jeediyay khudbad kooban ayaa carrabka ku adkeeyay halka ay markii horaba ka halowday arrinta Soomaaliya iyo Somaliland.

“Tan iyo markii ay Somaliland si aan ka fiirsi laheyn iskeed ula midowday Soomaaliya, dadka Somaliland waxa ay la kulmayeen caddaalad darro, faquuq, iyo xasuuq ay xukuumaddu soo maleegtay oo ay ciidammada dowladda Soomaaliya fulinayeen.” Ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku dheeraaday in dhibaatada loo gaystay dadka Somaliland aanay ahayn mid afka oo kaliya ku kooban hasayeeshee dhinacyo badan oo kala duwan ay diiwaageliyeen.

“Caddaymaha dambiyada dagaal ee baahsan ee lagu bartilmaameedsaday dadka Somaliland ayaa waxaa si buuxda u diiwaangeliyay Guddiga Gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aaadanaha, guddiyada xuquuqda aadanaha iyo Golaha Somaliland ee Dambiyada Dagaalka.” Ayuu Muuse Biixi yiri.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Dhanka kale madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in loo baahan yahay in lala dareemo dhibka ay dadkiisa wajaheen xilli ay indhaha ku hayaan raadka xabaalwadareedyada xasuuqii dadkiisa loo gaystay, sida uu hadalka u dhigay.

“Falalka xasuuqa ah ee ay soo maleegtay xukuumaddii Siyaad Barre ayaa waxaa laga helay in ka badan 200 oo xabaal wadareed oo dalkeenna ku yaal. Xabaal wadareedyada ilaa hadda muuqanaya ayaa weligood caddayn u noqonaya dambiyada bini’aadamka ka dhanka ah ee ay dowladdii Soomaaliya u gaysatay dadka Somaliland.”

Madaxtooyada Jabuuti

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu ku talabixinayaa: “Sidaas daraadeed, si aan u wajahno xaaladda haatan taagan ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in dib loo milicsado wixii dhacay oo aynu wax ka barannaa. Wixii laga dhaxlay howlgalkii ka dhanka ahaa dadka Somaliland ayaanan noqon karin mid si fudud lagu hilmaamo. Balse waa in wixii dhacay la qiraa waxna laga qabtaa iyadoo la tixgalinaayo xuquuqda dadka Somaliland ay u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan iyo inay xorriyad helaan.”

Khudbaddaas madaxweynaha Somaliland oo haatan ina soo gaartay ayey nuxurkeedu intaas ahaa, halka aynu ka dhursugayno khudbadihii kale ee madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Jabuuti ee shirka maanta.

Waxa looga wadahadlayo shirka

Shirkan oo casuumaddiisa ay soo baxday maalmo uun ka hor ayaa waxaa loo fadhiyaa kulankiisii ugu horreeyay kaas oo ay albaabadu u xiran yihiin. Mana cadda ajandaha rasmiga ah ee labada dhinac ay maanta shirkooda ku furayaan.

Haddaba Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya oo BBCda la hadlay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay wanaag ka rajaynayaan shirkaasi.

“Wixii keenay Allaa og iyo dadka ka dambeeya iyo dowladda Jabuuti, waxaanse isleeyahay dowladda Xamar katalisaana waa gebagabo, tankalana kama sii foga oo gudheedu daciif bay tahay, marka waxaan rajaynaynaa Ilaahayna aan ka baryeynaa gebagabadaas ay yihiin inay ka soo baxaan wax dadka Soomaaliyeed meeshay joogaanba ha joogaanee uqalma.” Ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Madaxtooyada Jabuuti

Shirkan waxa uu u muuqanaya mid muddo laga soo shaqeeynayay, waxaana taas laga dheehan karaa miisaanka wafdiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland, iyo wufuudda kale ee aan Soomaalida aheyn.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar geelle ayaa kulanka labada dhinac shir gudoomin doona. Dabayaaqadii 2014-kii ayey aheyd markii isla madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu casuumaad ugu fidiyay magaalada Jabuuti madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasa Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Hiiraan Online

Gunaanadkii shirkaasi waxa ay madaxda labada dhinac ku heshiiseen lix qodob oo ay aheyd in dhinacyadu ay fuliyaan, si xal looga gaaro xiriirka u dhaxayn kara labada dhinac.

Halkan hoose ka akhriso qodobadaasi lixda ah ee ay 21 Diseembar 2014-kii ku heshiiyeen labadii madaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland ee xilligaas.

Soomaaliya iyo Somaliland
Image captionHeshiiskii Jabuuti ay ku gaareen Soomaaliya iyo Somaliland bishii Diseembar 2014

Comments are closed