Jabuuti (Nogob News) 15/06/2020
Waxaa maalintii labaad dalka Jabuuti ka dhacaya wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo ay ka qeyb-galayaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, waxaana shirkaan looga hadlayaa aayaha midnimada labada dhinac iyo masiirka Soomaaliya.
Somaliland ayaa sanadkii 1991-dii ku dhawaaqday gooni isu-taag, iyadoo sheegtay in midnimadii kala dhexeysay koonfurta Soomaaliya ay dib ula soo laabatay.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbaahinta u sheegay isagoo Jabuuti jooga in Somaliland ay miiska soo saartay tabasho, balse lagu han weynyahay in xal loo helo.
Shirkaan oo shalay bilowday ayaa xalay laga soo saaray war saxaafadeed 4 qodob ka kooban.
Waxaa lagu wadaa in maanta lagusoo gabagabeeeyo wejiga hore ee shirkaan, waxaana la dhisi doonaa sida hadafku yahay Guddiyo farsamo oo wada-hadalladan kasii shaqeeyo oo uu fadhigoodu noqonayo magaalada Jabuuti.
Dowladaha Mareykanka, Jabuuti, Midowga Yurub iyo Itoobiya ayaa shirkaan gadaal ka riixaya, walow mucaaradka siyaasadda Soomaaliya ay u arkaan shirkaan hadda bilowday mid uu madaxweyne Farmaajo ku galayo ol-olaha doorashada soo socota
Comments are closed