Madaxweyne Deni oo maanta ka hadlaya gogasha madaxweyne Farmaajo dhigay Muqdisho iyo shirkii Jabuuti

Muqdisho (Nogob News) 15/06/2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta furaya kalfadhiga barlamaanka Puntland, xilli qaar badan oo katirsan golaha wasiiradda iyo saraakiil katirsan madaxtooyada laga helay cudurka Corona virus.

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inuu kalfadhiga ka sheego mowqifka Puntland ee wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo gogasha madaxweyne Farmaajo uu dhigay Muqdisho, taasoo looga tashanayo doorashooyinka.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa horey u sheegay in wada hadalka Soomaaliya iyo  Somaliland ujeedada laga leeyahay ay tahay in Soomaaliya loo kala qeybiyo waqooyi iyo koonfur, taasina ay tahay sababta Puntland oo  muran dhuleed uu kala dhaxeeyo Somaliland aan laga talo galin shirka.

Puntland waxay sheegtay, heshiiska oo dowladda Soomaaliya la gasho Somaliland in uusan socondoonin oo ay ka hor imaandoonaan.

Comments are closed