Askari dil u geystay nin ganacsade markii ganacsadaha diiday lacag jexjeexan sigaar looga iibsan lahaa

Muqdisho (Nogob News) 16/06/2020

Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dilay magaalada Muqdisho nin oday ah oo miis yar oo ganacsi ku lahaa Ceel-gaabta  Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dilka loo geystay ninka dhintay oo lagu magacaabi jiray Cumar uu yimid kadib markii uu muran uu dhex-maray marxuumka iyo askariga dilka geystay ,  waxayna isku qabteen lacag jeexan oo uu ninka ciidanka ah doonayay in sigaar looga iibiyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen askariga ku eedeysan dilka, laguna xiray saldhigga degmada Xamar-jabab.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha ammaanka iyo siyaasadda ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa bartiisa Facebook-ga  ku sheegay in ilaaladiisa ay askariga ku eedeysan dilka ay soo xireen islamarkaana cadaaladda ay horkeeni doonaan.

“Waxaan anigoo marayay wadada ceelgaabta ee aada Madaxtooyada dhanka degmada Xamarjajab ku soo aadnay xili fal dil ah uu geystay askari katirsan booliiska kaas oo qof shacab ah ku dilay agagaarka ceelgaabta, Waxay ilaaladaydu ku guulaysteen inay qabtaan gacan ku dhiiglihii dilka gaystay inta uusan goobta ka baxsan waxaana ku wareejinay saldhiga booliiska degmada Xamarjajab waxaana lamarin doonaa ciqaabta uu leeyahay baaritaanada kadib haduu Alle idmo” ayuu yiri tuulax

Comments are closed