Xisbiyada loolanka siyaasada Ee Dalka Ayaa kadooday bayaanka qabyada ah Ee maamulka warbaahinta

Addisababa (Nogob News) 17/06/2020

Hogaaminta Xisbiyada loolanka siyaasadeed Ee dalka ayaa kadoodaya bayaanka Qabyada ah ee siyaasada maamulka warbaahinta.

Mareeyaha guud ee wakaalada maamulka warbaahinta itoobiya ,Dr getachew dhinqu ayaa sheegay in kulankan loogu baahday sidii ay Warbaahinta dalku uyeelan lahayd siyaasad ugaar ah oo si tayo leh loogu maamulo.

si markaasi ay warbaahintu bulshada wadanka ugaadhsiiso xog tayo leh oo lagu kalsoon yahay.

Mareeyaha ayaa sheegay in qabyo qoraalka siyaasada maamulka warbaahinta, kadib marka laga tala bixiyo Golaha wasiirada ee Dalka lahordhigi doono si ay u ansixiyaan.

Dhanka kale xisbiyada mucaaradka ayaa sheegay ina an muddo ku filan loo siin kadoodi qabyo qoraalka siyaasada warbaahinta.

Sidoo kale wakaalada maamulka warbaahinta itoobiya (Ethiopian broadcast Authority)ayaa Sheegtay in bayaanka hadda kahor 5 jeer laga dooday, hadana markii 6aad laga doodayo, islamarkaana uu yahay bayaan maamuleed oo lagu kalsoon yahay.

Kulankan lagaga moodayay qabyo qoraalka siyaasada maamulka warbaahinta oo xarunta dalka ee Addis ababa lagu qabtay, ayaa waxaa kaqaybgalay Hogaaminta xisbiyada loolanka, siyaasada,Maamulka sare ee warbaahinta, Xubno kamid ah hawlwadeenada warbaahinta dalka, Sharci yaqaano iyo martisharaf kale.

Mohamed Madaale jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed