Ferfeer (Nogob News) 19/06/2020
Wafti uu hogaaminayo Hogaanka Nabadgalyada DDS Dr Xuseen Xaashi Qaasim ayna wehelinayaan Abaanduulaha Guud ee Ciidanka Xooga Gaarka ah ee DDS, Jeneral Maxamed Axmed iyo waliba saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Difaaca Qaranka, Gudoomiyaba Gobolka Shabeele Aadan Axmed Sooyaan ayaa soo gaadhay Dagmada Feerfeer
Waftigan haya’daha Amniga dalka iyo deegaanka Iyo masuuliyiinta gobolka Shabeele oo degmadaasi Feerfeer ku tagay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada difaaca qaranka ee JDFI ayaa kadib markii ay magaalada Feerfeer gaadheen uga kicitimay dhinaca tuulada Abaaleey oo ah goobtii ay dhibaatadu ka dhacday.
Waftiga ayaana dul istaagay goobtii dadka beeralayda ah ee deegaanka Soomaalida dilka loogu gaystay iyagoo masuuliyiintu si wanaagsan u soo darsay xaalada nabadgalyo ee nawaaxiga tuulada Abaalay ee degmada Feerfeer.
Sidoo kale waftiga uu hogaanka nabadgalyadu hogaaminayo ayaa dib ugu soo noqday magaalada Feerfeer waxayna kulan la qaateen maamulka degmada Feerfeer, waxgaradka, odayaal dhaqameedka iyo culima udiinka degmadaasi.
kulankan oo ahaa mid loogu falanqaynayay dhibaatadii dhacday Iyo sidii xal wada jira looga gaadhil ahaa ayaa markuu soo idlaaday waxaan dhibaatada ka dhacday tuulada Abaalay iyo hawlaha ugu muhiimsan ee kulanka waxgaradka degmada Feer feer iyo masuuliyiinta amniga heer deegaan wax ka waydiinay Hogaanka Nabadgalyada DDS Dr Xuseen Xaashi Qaasim.
Waxaana la filayaa in xal waara laga gaadho shaqaaqooyinka soo kala dhax galay shacabka walaalaha ah ee gobolka Hir Shabeele ee dalkaasi Soomaaliya Iyo kan gobolka Shabeele ee DDS.
waxayna hogaanka Iyo qaar kamida waftigii la socday uga soo ambabexeen dagmada Feerfeer dhankaas magaalada Godey ee xarunta Gobolka Shabeele.
Abdi Casiis Ferfer Abdiaziiz 765@gmail.com
Comments are closed