Madaxweyne Mustafe oo ka walaacsan cudurka corona (warbixin)

Jigjiga (Nogob News) 21/06/2020

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada DDS ayaa Waxaa kasoo qayb galay Hogaaminta Sare Ee Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida.

Waxana shir gudoominayay Madaxwaynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed cumar iyo madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo ee soomaalida Eng maxamed shaalle.

Kulankan oo looga hadlayay jihooyinka isbadalka iyo xaaladaha guud ee dalka iyo deegaanka ayaa Waxaa soo diyariyay xafiiska xisbiga barwaaqo ee soomaalida.

waxaana qodobada aad looga dooday kamid ahaa saamaynta iyo faafitaanka cudurka covid19, khatarta ayaxa, dhirbeerista iyo guud ahaan shaqooyinka kala duwan.
Sidoo kale qodabadii kulanka lagaga wada hadalay waxaa kale oo kamid ahaa hanaanka adeeg bixinta xafiisyada dawlada iyo dedajinta mashariicaha mugaleh ee ka socda deegaanka.

Gaba gabadii kulanka ayaa waxaa layskula qaatay xoojinta wacyigalinta bulshada ee kahortaga cudurka covid19, adeeg bixinta xafiisyada iyo in fagaarayaasha noocan oo kale ah lajoogteeyo loona dhaadhiciyo Gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanka.

Mohamed madaale jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed