Ferfeer kulan lagu xalinayo dhibaatadii ka dhacday Abaalay (warbixin)

Ferfeer (nogob News) 22/06/2020

Guddi isku dhaf ah ayaa oo xilsaaray xalinta khilaafka bulshada walaalaha ah ee kala dagan Degmada Feerfeer, Gobolka Shabeele ee Degaanka Soomaalida iyo dagmada Baladwayn ee Gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.

Guddigan ayaa kulan laqaatay masuuliyiinta laamaha amniga ee dalka iyo deegaanka ee magaalada Feerfeer u jooga xalinta dhibaatadii dhawaan ka dhacday tuulada Abaalay ee degmada Feerfeer ee Gobalka Shabeele.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay jeneraalo ka socday laamaha amniga dalka, ciidamada milatriga ee qaranka Itoobiya. Hogaanka ku Cigeenka Nabadgalyada DDS Maxamed Axmed Gurey, Gudoomiyaha Gobalka Shabeele Aadan Axmed Sooyaan,


La Taliyaha Madaxwaynaha ee Dhanka Nabadgaliyada Badal Xiis, Wasiirka Cafiiska Barlamaanka DDS. Wasiir ku Xigeenka afiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS Saadiq C Qaadir, Xildhibaano Qaar ka mida Saraakiisha sare ee Ciidamada Xooga Gaarka ah ee DDS, iyo Waliba Maamulka degmada Feerfeer.

Dhanka kale kulankan ayaa ku qotama sidii loo dajin lahaa qaabka loo wajahayo kulamada nabadaynta 2da shacab ee walaalaha ah ee Feerfeer iyo Baladwayne ee dhawaan dhibaatadu ka dhex dhacday iyo sida loola xaajoon doono masuuliyiinta Maamul Gobaleedka Hiirshabeele ee dalkaasi Soomaaliya, Hogaaminta gobalka Hiiraan iyo Degmada Belad wayn lala yeelan doono.

Ugu dambayntiina Waxaa la filayaa in wadahadalada xalinta khilaafka 2da Dawlad Degaan ee Soomaalida iyo Hirshabeele ay Maalinta barri ah kulankoodii 2aad uu kafurmi doono magaalada Feerfeer.

Mogamed madaale ferfeer nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed