Ciidamada dowladda oo toogtay ismiidamiye doonayay inuu isku qarxiyo Dugsiga tababarka Turkey Som

Muqdisho (Nogob News) 23/06/2020

Ciidamada Ilaalada Dugsiga tababarka Turkey Som ayaa toogasho ku dilay dhagarqabe doonayay in uu isku qarxiyo dhallinyaro arday ah oo doonayay in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciiddanka xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ilaalada amniga ay toogteen ninka ismiidaamiyay  oo isku dayayay inuu galo xarunta milateriga.

“qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay kahor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda ” ayuu yiri Gen Odawaa.

Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin askar Soomaali ah ama muwaadiniin Turki ah oo lagu dilay ama ku dhaawacmay weerarka.

Ma jirto koox weli sheegatay mas’uuliyadda weerarka, laakiin kooxda al-Shabaab ayaa lagu yaqaanaa weerarada caynkaan oo kale ah.

Xarunta tababarka militariga Turkiga waxaa laga dhisay sanadkii 2017 caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Waxay tababbarka siisaa ciidamada amniga Soomaaliya.

Comments are closed