Gudiga dhexdhexaadinta dhibaatooyinkii Raaso iyo Salaxaad oo gaadhay Tuulooyinka degmada Salaxaad.

Salaxaad (Nogob News) 25/06/2020

Gudiga isku dhafka ah ee Madaxwaynaha deegaanku uxil saaray nabadaynta shacabka xoola dhaqatada ah ee Raaso iyo Salaxaad oo mudo bil ka badanba ku guda jira nabadaynta aagaasi Baali ayaa shirar kala duwan layeeshay waxgaradka beelaha isku haya dhul daaq simeedka iyo tuulooyin udhaw duleedka Dagmada salaxaad ee gobolka erer .

gudiga waxgaradka soomaaliyeed ee loo xilsaaray xalka gaadhida dhibaatooyinkii ka dhacay aagaasi oo gudanaya waajibaadka saaran,ayaa ukuur galid iyo xaqiiqa raadina kusoo sameeyay qaarkamida tuulooyinkii shaqaaqadu ku dhax martay beelaha walaalaha ee ka kala tirsan 2 dagmo ee Raaso iyo Salaxaad iyo iskudhacyadu halka ay salka kuhayaan.
Sidoo kalana Gudiga ayaa go’aamo ka siinayay shirarka kala duwan ay layeesheen beelahaasi kaasoo ah intay dawladu go’aan kasoo saarayso in dhinac walba goobtiisa nabad kudaganaado.

Waana mid ay aad usoo dhaweeyeen waxgaradka 2 beelood waan_waanta nabadeed ee uu gudigu wado.

Comments are closed