Wafdi ka socda Kenya iyo madaxweynaha Somaliland oo Hargeysa ku kulmay

Hargeysa (Nogob News) 03/07/2020

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Kenya oo muddo laba maalin ah ku sugnaa magaalada Hargeysa sida ilo ku dhow ay u sheegeen warbaahinta

Wafdigaan oo isugu jira mudanayaal Baarlamaan , siyaasiyiin iyo maalgashadayaal ayaa waxaa hoggaaminaya xildhibaanka Jineyd Maxamed oo laga soo doorto bariga Sunna ee dalka Kenya .

Labada dhinac ayaa intii uu kulanka socday waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac, maal-gashiga , ganacsiga iyo wada-shaqeynta sida warbaahinta ay u xaqiijiyeen xubnihii ku dhowaa madaxtooyada Somaliland ee nala hadlay.

Wafdigaan ayaa daba socda wafuud dhowr ah oo ay horay Somaliland ugu dirtay Kenya , xukuumadda Nairobi illaa iyo hadda ma jiraan xog ka timid  dhinacooda oo lagu faah-faahinayo socdaalka wafdigaas.

Comments are closed