Talaalka Kahortaga Cudurka Jadeecada Oo Lagu Daah Furay Magaalada JigJiga.

Jigjiga (nogob news) 05/07/2020

Waxaa maanta la daah furay ololaha talaalka ka hortaga jadeecada halkaas oo munaasabadii lagu daah furayay uu ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka DDS Mudane ibraahim cusmaan iyo xubna ka tirsan Golaha Wasiirada.

Madaxweyne ku xigeenka oo munasabada todobaadka ololaha ka hortaga jadeecada daah furay ayaa sheegay in waalidiinta looga baahan yahay in caruurtooda ay uga faa’iideeyaan ololahan lagag hortagayo xanuunka jadeecada.Waxaana uu xusay in xanuunka jadeecada uu dhibaato ku hayo dalalka saboolka ah Ee dunida loona baahan yahay in lala dagaalamo.

Wuxuuna madaxwayne kuxigeenku Bulshada deegaanka kula dar daarmay in caruurtooda ay geeyaan goobaha caafinaadka si loo siiyo talaalka ka hortaga jadeecada.Olalahan oo socon doona muddo todobaad ah ayaa waxaa ka faa’idaysan doona 90, kun oo caruur ah oo dadooda u dhaxayso 9 bilood ilaa 5 sano oo ku dhaqan deegaanka. talaalkan ayaa ku soo aday xili lala tacaalayo xanuunka Covid-19

Mohamed madaae jigjiga nogobnews@hotmai.co.uk

Comments are closed