Australia oo bandow habeen iyo maalin ah kusoo rogtay xaafad ay Soomaalida ka degen tahay Melbourne

Melbourne (Nogob News) 07/07/2020

Australia ayaa bandow habeen iyo maalin ah kusoo rogtay qeybo katirsan magaalada ugu weyn dalkaas ee Melbourne oo ayku  nool yihiin Soomaalida badan oo qaxooti ah.

Sagaal dhismo oo ku yaal Flemington iyo Waqooyiga Melbourne oo ay ku nool yihiin in ka badan 3,000 oo Soomaali ah ayaa xiran tan iyo Sabtidii iyadoo la isku dayayo in hoos loo dhigo faafitaanka coronavirus.

Dadka ayaa awoodin inay guryahooda ka baxaan, waxayna ka cabanayaan inay helaan sahayda daruuriga ah, inkastoo dowladdu ay sheegtay in boqolaal xirmooyin cunno ah iyo qalabka daryeelka carruurta loo qaybiyey.

Sababta loogusoo rogay bandowga ayaa lagu sheegay kadib markii dowladda loo gudbiyay in xaafaddaas uu aad ugusoo badanayo faafitaanka cudurka Coronavirus oo dalka Australia dib ugusoo labo kacleeyay.

Dowladdu waxay sheegtay in ugu yaraan 53 kiis laga helay guriyaal dowladeed oo katirsan dhismayaasha bandowga lagusoo rogay ee Soomaalidu degen tahay.

Soomaalida ayaa aad uga cabanaysa iyadoo aan lagusoo wargalin bandowgaan una diyaar garoobin in albaabada loo laabay xaafadooda. Waxay kaloo sheegayaan in dadku ay wadaagayaan waxyaabaha ay haystaan taasoo keeni karta in cudurku si xun ugu faafo Soomaalida dhexdeeda.

Comments are closed