Madaxweyne Mustafe dib ugu soo laabtay Jigjiga

Jigjiga (Nogob News) 07/07/2020

Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Mudane Mustafa Muxumed Cumar iyo Wafdigii odayaasha ee u anbabaxay dhexdhexaadinta dhibaatada ka dhex dhalatay degaanka aan walaalaha nahay ee Orromiya ayaa saaka dib ugu soo noqday caasimada Degaanka ee Jigjiga.

Madaxwaynaha oo ay weheliyaan Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo laanta Soomaalida Inj Maxamed Shaale iyo La Taliyaha Gaarka ah ee Madaxwaynah ahna madaxa Protokolka MW Mudane Amiin Muxumed Mahdi ayaa saaka soo gaadhay Jigjiga.

Masuuliyiinta iyo odayaasha degaanka ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Garaad Wiilwaal ku soo dhaweeyay Madaxa Xafiiska Madaxwaynaha Mudane Sheekh Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Taadhi) iyo KX Xafiiska Madaxwaynaha Mudane Cumar Faaruuq.

Sida la wada ogsoon yahay dhacdadii naxdinta lahayd ee dhawaan lagu dilay fanaankii ugu caansanaa halganka Oromo ee Hajaalu Hundeesa ayaa waxay abuurtay qalaalaase aad u balaadhan oo saameeyay degaanka aan jaarka nahay ee Orromiya.

Madaxwaynaha DDS oo la tashaday aqoonyahanka Degaanka ayaa bilaabay hawl dhexdhexaadin ah oo la kala dhex dhigo dhinacyada isku haya khilaafka oo sababay in ka badan 160 nafood isla markaana keenay burbur dhaqaale oo aan noociisa hore loo arag

Mohamed madaale jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed