Kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya madaxda Maamul Goboleedyada qaar oo ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Nogob News) 10/07/2020

Waxaa xalay illaa saakay ka socday magaalada Dhuusamareeb kulamo gaar gaar ah oo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye la yeelanayay qaar kamid ah madaxda maamullada Faderaalka ah qaarkood,  isagoo kala hadlayay arrimo quseeya shirka ka dhacaya Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa la kulmay madaxweyne Waare, iyagoo wada qaatay kulan muddo socday,  laakiin wax-yaabaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen si rasmi ah loolama wadaagin warbaahinta,  waxaase keliya lagu sheegay dhiraan-dhirin ku saabsan arrimaha shirka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug wuxuu sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Lafta-gareen’.
Labadan Madaxweyne ee uu la kulmay hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  ayaan aragti ahaan aad uga fogeyn dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Geesta kale wuxuu la kulmay Madaxweyne Qoor qoor hoggaamiyaha Puntalnd Saciid Cabdullaahi Deni,  iyagoo isla soo qaaday arrimaha shirkaan ku saabsan.
Dhinaca kale ilo xog-ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in shirka oo maanta lagu waday inuu furmo uu dib ugu dhacay beri,  Madaxweyne Qoor qoor-na wuxuu maanta guud ahaan ku casuumay wafuudda kala duwan qado sharafeed.

Comments are closed