Madaxweynaha Galmudug : Shirka Dhuusomareeb waxaa looga tashanayaa in Soomaaliya ka dhacdo doorasho xallaal ah

Dhuusamareeb (Nogob News) 11/07/2020

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay shirka Dhuusomareeb in looga tashanayo sidii ay Soomaaliya uga dhici lahayd doorasho xor iyo xallaal ah.

Madaxweyne Qoor qoor wuxuu sheegay Soomaaliya inay heshiis ku tahay doorasho afartii sanaba mar ka dhacda, taasoo qeyb ka noqotay oggolaanshaha iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka.

Qoorqoor wuxuu iska fogeeyay in shirkaan dowlad goboleedyadu kaligood go’aan ku gaaridoonaan.

 “Ujeedada gogasha Galmudug waxay ku saleysan tahay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay uga wada tashadaan hanaaan doorasho oo xor iyo xalaal ah, taasoo macnaheedu ma ahan inaan go’aan kaligeen ku gaarayno” ayuu yidhi madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweynaha Galmudug waxa uu tilmaamay in ay Galmudug gogasha u dhigtay sidii ay uga qeyb qaadan lahayd xalka khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Waxaa soo dhamaaday khudbadaha furitaanka shirka, waxaana ku xiga in shir albaabadu u laaban yahay dhexmaro madaxda.

Comments are closed