Diyaarad siday gargaar oo ku dhacday Beledweyne

Beledweyne (Nogob News) 14/07/2020

Warrarka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaarad siday gargaar loogu talagalay dadkii ay saameeyeen fatahaadihii gobolka ku dhuftay ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne.

Diyaarada oo ka tagtay dalka Jabuuti ayaa shaqaalihii saarnaa oo saddex ahaa laga badbaadiyay, sida uu BBC-da u sheegay taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan Korneyl Cabdillahi Muuse.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay burburka diyaaradda oo dooneysay inay cago dhigato garoonka balse dhacday dabadeedna uu dab ka kacay.

Comments are closed