IGAD oo rajo wanaagsan ka muujisay Wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland

Addisababa (Nogob News) 17/07/2020

Urur-gobaleedka IGAD ayaa taageeray wada hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo ay martigalinayso Jabuuti.

Shir madaxeedkii 36-aad ee Urur-gobaleedka IGAD oo ay hoggaamiyaasha waddamada xubnaha ka ah kaga qaybgaleen khadka tooska ah, ayaa looga hadlay horumarka wadahadalada iyada oo dhammaan la muujiyey rajada laga qabo in xal la helo.

Waxaan bogaadineynaa wadahadalada socda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland, ee uu hogaaminayo Madaxweyne Ismacil Cumar Geelle iyo Raiisul Wasaare Abiy Ahmed, Waxaan rajo wanaagsan ka filaynaa  guddiyada farsamada ee wadaxaajoodka, ayaa lagu yiri war ka soo baxay IGAD.

Shirka fiidiyowga waxaa ka soo qeyb galay dhammaan hoggaamiyeyaasha IGAD, kuwaas oo ka warbixiyay horumarka laga gaadhay xallinta khilaafaadka Koonfurta Suudaan, jawaabta waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ee arrimaha COVID-19 iyo arrimo kale oo la xiriira iskaashiga iyo is-dhexgalka dhaqan-dhaqaale ee gobolka.

Mowqifka ay ka taagan tahay IGAD ayaa yimid shan maalmood uun kadib markii dib loo dhigay kulankii guddiyada wada xaajoodka.

Wararka ka imanaya Jabuuti ayaa tilmaamaya in dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ay codsatay in wadahadalada dib loo dhigo muddo toddobaad ah.

Dowladda Soomaaliya ma aysan sharrax ka bixin sababaha codsigooda dib u dhigista ah, laakiin waxaa soo baxday in uu jiro culeys siyaasadeed oo sii kordheysa oo ka imanaya mucaaradka iyo maamul goboleedyada ee arrimaha doorashooyinka soo socda.

Comments are closed