Toogasho lagu dilay dad rayid ah oo Muqdisho ka dhacday

Muqdisho (Nogob News) 19/07/2020

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhimatay  tira kalana way ku dhaawacantay kadib markii nin hubeysay uu rasaas ku furay dad ku sugnaa guri ku yaalla degmada Warta nabadda ee magaalada Muqdisho.

Ila-wareedyo ayaa Hiiraan Online u sheegay nin hubeysan uu soo galay guri dadkaasi ay ku sugnaayeen oo sida la sheegay “Mingis” lagu garaaco kadibna uu toogtay dadkii ku sugnaa

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya cidda uu ahaa shakhsiga weeraray dadka gurigaasi ku sugnaa, walow aan illaa iyo hadda loo haayn xaqiiqa rasmi ah .

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu guriga uu dhibka ka dhacay, waxayna billaabeen baaritaanno. Sida HOL ay u sheegeen dadka deegaanka.

Comments are closed