Dowladda Maraykanka oo si adag uga hadashay xil ka qaadistii raysal wasaare Kheyre

Mareykanka (Nogob News) 26/07/2020

Safaaradda Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay ficilladii Aqalka Hoose ee baarlamaanka ay meesha uga saareen kalsoonidii ay ku qabeen Ra’iisul Wasaare Cali Xasan Khayre iyo dowladdiisa, taasoo sii kordhisay xiisada siyaasadeed isla markaana wiiqeysa hanaankii wadahadalka ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.

Safaaradda waxay tallaabadaan ku tilmaamtay dib u dhac ku yimid ajandaha dib u habeynta ee ay Soomaaliya ku dooneysay taageerada Mareykanka. Deganaanshaha Soomaaliya, xasilloonida, iyo barwaaqada.

Safaaradda Mareykanka waxay sii wadaysaa inay carrabka ku adkeyso in dariiqa kaliya ee loo marayo doorashooyin federaali ah oo la hirgaliyo ay tahay wada tashi ballaaran iyo wada hadal wax ku ool ah oo dhexmara daneeyayaasha.

“Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, baarlamaanka, iyo dhinacyada kale in ay sii wadaan wada shaqeynta si loo meel mariyo heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb,” ayaa lagu yidh warkan.

Safaaradda Mareykanka ayaa ugu baaqday dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, hay’adaha, iyo daneeyayaasha inay ka shaqeeyaan danaha ugu wanaagsan ee waddankooda halkii ay ka raadin lahaayeen danaha shaqsiyadooda.

”Waxaan ka qaadi doonnaa tallaabooyin ka dhan ah kuwa qaswadayaasha ah ee doonaya in ay carqaladeeyaan horumarka Soomaaliya ee ku wajahan xasilloonida, nabadda, maamul loo dhan yahay, iyo barwaaqo. Ma doonayno in Soomaaliya ay ku socoto jihada qaldan,” ayuu yidhi Maraykanku.

Comments are closed