Wakiilka Itoobiya ee Somaliland oo Hargeysa lagusoo dhoweeyay

Hargeysa (NOGOB NEWS) 19/08/2020

maanta magaalada Hargeysa lagusoo dhoweeyay wakiilka dowladda Itoobiya ay usoo magacowday Somaliland Saciid Maxamed Jabriil, sida ilo ku dhow maamulka ay u sheegeen warbaahinta

Saciid ayaa waxaa uu horay ugasoo shaqeeyay gudaha Somaliland, gaar ahaan dhinaca wax-barashada sare, isagoo kasoo howl-galay Jaamacadda Hargeysa, kanasoo noqday Guddoomiye ku-xigeen.

Dhowaan ayaa  xilka ah wakiilka Itoobiya ee Somaliland usoo magacowday, isagoo Hargeysa u fadhiyi doona xukuumadda Addis Ababa .

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa horay soo dhoweyn ugu sameeyay magaalada Hargeysa, waxa uuna ahaa nin muctarif ka dhex ahaa bahda aqoonyahannada Somaliland.

Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo wada shaqeyn ah .

Comments are closed