Dufcaddii ugu horaysay agab Caafimaad oo Midowga Yurub ugu talo galay wadamada ku jira IGAD oo Gaadhtay Addis Ababa

Addisababa (Nogob News) 01/09/2020

Waxaa magaalada Addis Ababa gaadhay qeybtii ugu horeysay ee sahay caafimaad, oo ay maalgelisay Midowga Yurub si ay gacan uga geysato la dagaalanka COVID-19 oo ka dilaacay Itoobiya iyo sideeda dowladood ee xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

Tani waa qeyb ka mid ah 60 milyan oo euro oo Midowga Yurub uu ku taageerayo wadamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD si wax looga qabto saameynta caafimaad iyo dhaqan dhaqaale ee Cudurka COVID-19.

Johan Borgstam, Madaxa Ergada EU-da ee Itoobiya, ayaa agabkan ku wareejiyay Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Dr. Lia Tadesse, Wasiirka Caafimaadka iyo Gedu Andargachew, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia.

Danjire Borgstam ayaa sheegay in sahaydani ay muhiim u tahay taakuleynta kooxaha nugul oo ay ku jiraan muhaajiriinta, qaxootiga, iyo dadka gudaha ku barakacay si loo yareeyo saameynta aafada.

Midowga Yurub iyo dowladaha xubinta ka ah waxay horey ugu tabaruceen 465 milyan oo Yuuro ah dagaalka Itoobiya ee ka dhanka ah COVID-19.

Waxyaabaha harsan ayaa imaan doona toddobaadyada soo socda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray xafiiska Midowga Yurub ee Itoobiya.

Barnaamijkan waxaa fulin doona UNOPS, UNICEF, GIZ, IOM iyo Trade Mark East Africa. Waxaa ka faa’iideysan doona dalalka Itoobiya, Ereteriya, Jabuuti, Kenya, Soomaaliya, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Ugandha.

Comments are closed