Madaxweynayaasha Puntalnd iyo Jubbaland oo Muqdisho lagusoo dhoweeyay

Muqdisho (Nogob News) 01/09/2020

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Filish” ayaa waxa uu garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho uu kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jubaland Ahmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” .

Wafdigaan ayaa waxaa kasoo horreeyay mid kale uu hoggaaminayay madaxweynaha Puntalnd Saciid Cabdullaahi Deni,  waxaana la qorsheynayaa iney kulan la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ujeeddada socdaalkooda ayaa salka ku haya sida loo wajahi lahaa marxaladda kala guurka ah iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Jubaland iyo Puntalnd ayaan horay qeyb uga aheyn heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb oo maamullada qaar iyo dowladda dhexe ay ku qaateen nooca doorashada Soomaaliya ay noqoneyso.

Comments are closed